Abaar laga baqayo inay Soomaaliya ka dhacdo iyo UK oo malaayiin geni ugu deeqday dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Dhibaato bani'aadannimo ayaa laga soo sheegayaa Soomaaliya iyadoo meelo badan ay ka jiraan biyo la'aan iyo abaar.

Shir jaraa'id oo ay maanta Muqdisho ku qabatay hay'adda maareynta musiibooyinka (SoDMA) ayey kaga hadashay baaxadda ay dhibaatada gaarsiisan tahay.

Guddoomiyaha Hay'adda maareynta masiibooyinka Soomaaliya (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle oo shirkiisa jaraa'id ka dib BBC la hadlay ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay roobkii deyrta oo aan di'in.

"Xaaladda ugu daran waxay tahay abaar ba'an oo dalka ka jirta taas oo ka timid roobkii la filyay ee deyrta oo baaqday".

Abaarta ayaa la sheegay in dad gaaraya ilaa lix milyan ay saameynayso, iyadoo saddax milyan oo dadkaas ka mid ah ay yihiin kuwa ugu daran ee abaarta saameynayso. "qeyla-dhaanta waxaa nagu kalifay dadkaas halista ku jira" ayuu yiri.

Abaarta waxay saameysay sida la sheegay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Ilaa iyo 13 gobol ayaa la sheegay in abaarta ay saameysay.

"Gobollada Gedo, Hiiraan, Bay, Bakool, Mudug, Bari, Togdheer, Galguduud, Sool, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Jubbada Hoose, guud ahaan goboladaas ayey abaarta aad u saameysay" ayuu yiri Maxamuud Macallin.

Hay'ada waxay sheegtay in howshoodu ay hadda tahay sidii naf lagu badbaadin lahaa. Hay'adda maareynta ayaa sheegtay si wax looga qabto in ay u baahan yihiin dhaqaale.

"Waxaa la qiyaasay ilaa iyo sebtembar in hal bilyan iyo shan bqool oo kun loo baahan doono si aysan dhibaata ugu sii saa'idin".

Soomaaliya waxaa ku soo noqnoqday biyo la'aan iyo abaar. Deyrtii sanadkii la soo dhafay dhibaatada waxay aheyd roobka deyrta oo fatahaad iyo khasaare kale keenay, halka deyrta sanadkan aysan da'in taas oo keentay abaaro.

"Arrimaha noocan oo kale ma jiri jirin, waa arin aad nooga weyn laakiin anaga waxaa nalaga rabaa in aan la qabsano, qorshaheena waa wadnaa si biyaha markii ay badan yihiin aan u qabsan laheyn oo aan u isticmaali laheyn marka ay yaraadaan".

Qoraal ka soo baxay wasaaradda horumarinta UK maanta ayaa lagu sheegay in dowladda UK ay ugu deeqeyso 61 bilyan oo lacagta UK ah si wax looga qabta arrimaha bani'aadannimo ee ka jirta qaaradda Afrika, Bariga Dhexe iyo Asia. Meelaha gargaarka UK loogu talogalay waxaa ku jira Soomaaliya.

5 milyan waxaa la siin doonaan howlaha ICRC ka wado Soomaaliya si ay wax uga qabtaan cunto yarida iyo biyaha ay u baahan yihiin dadka ay dagaalada saameeyeen. Sidoo kale lacagtaas waxaa loogu talogalay arrimaha caafimaadka aasaasiga iyo nafaqada.

Hay'adda Qaramada OCHA ayaa hore u sheegtay in xaaladda markii ugu horeysay ay dagaalada aadanaha sababaan ay keeneen cunto la'aan meelo ay ka mid yihiin Mudug iyo Gedo. Hay'adda waxay kaloo sheegtay in lix milyan oo dalka ku nool ay u baahan yihiin gargaar bani'aadannijmo. Haweenka, carruurta iyo dadka naafada ayey hay'adda sheegtay in ay yihiin kuwa sida ay weyn ay u saameysay.

Xaaladaha meelaha ay abaaraha ka jiraan

Deegaano ka tirsan Galmudug ayaa laga soo sheegayaa biyo la'an iyo abaar. Deegaanada waxaa ka mid ah Kala-Sooc iyo Qararow. Sida la sheegay deegaanadaas kama da'in roob sanadkan.

Guddoomiyahaa deegaanka Qararow Maxamed Cabdullaahi Cali oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in deegaankiisu uusan laheyn ceel biyood, dadkana ay biyaha ka helaan meel u jirta ilaa iyo 40 kiilomitir halkaas oo booyado looga keena biyaha.

Booyadaha deegaanka biyaha keena waxaa ku baxa 200 oo doolar oo ah lacag ku badan dadka deegaanka.

"Deegaanka wuxuu ku tiirsanaa baraago biyaha ay galaan xilliga roobka, sanadkan wax roob ah ma da'in sidaas ayeyna biyaha ku gelin baraagaha".

Deegaanada kale ee ku dhow ayuu guddoomiyaha Maxamed noo sheegay in in badan ay leeyihiin ceelal inkastoo abaari ka jirto.

"Dad badan ayaa la xiriirnay dowladda iyo hay'ado oo aan cabashadeena u gudbinay, ilaa iyo hadda ma jirto cid wax ka qabatay".

"dhibaatada ugu daran waa biyo la'aan iyo halka biyaha laga doonayo oo aan dhaweyn"

Dadka meel ay u guuraan ma lahan, dhulka kale hadii roob ka jiro waa loo guuri lahaa, mar haduu dhulka isku mid yahay macno ma sameyneyso in la guuro".

Deegaanada ay abaarta ka jirto ayaa u dhow dhulkii dhawaan laga saaray Alshabaab ee aan horumar badan ka jirin sanado badan.