You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waxa uu Xasan Sheekh ka yiri khilaafka kala dhaxeeya dhinacyada ay is hayaan, iyo xog ay BBC heshay
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay qodobbo kala duwan oo ku saabsan xaaladaha dalka.
Warbixintaan waxaan si gaar ah ugu eegi doonaa laba qodob oo madaxweynuhu khudbaddiisa ku soo qaaday.
Khilaafka u dhaxeeya dawladda federaalka, Madasha samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dabiiciyan khilaafka iyo kala aragti duwanaantu ay tahay wax qayb ka ah nolosha aadanaha, hase-yeeshee qaabka loo wajahayo ay ku xiran tahay saameyntooda.
Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay tanaasul si loo qanciyo siyaasiinta iyo hoggaamiyaasha tabashada qaba, isla markaana loo helo midnimo iyo wadajir Qaran.
"Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka gows qabsaday inay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Haddana maqaamka iyo mas'uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad-dooneynta mas'uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadino, waana ku sii soconaynaa wadadaas Alle idankii" ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan ayaa ku faanay in uu la fariistay Madasha samatabixinta oo ah siyaasiinta mucaaradka ah, oo ay ka wadahadleen qodobbo muddo la isku hayay, sida uu sheegayna ay dowladdiisu ka tanaasushay qodobbadii la isku mari waayay qaarkood oo baarlamaanku horey u ansxiyay sida arrinta doorashada.
Mid ka mid ah khilaafaadka ugu adag ee dowladdu ay wajahayso waa midka kala dhaxeeya maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Waxaana hadalka madaxweynaha ka muuqanaya dabacsanaan iyo in uu rabo in hannaan wadahadal ah lagu xalliyo khilaafka taagan.
Hase-yeeshee Jubaland iyo Puntland ayaan si cad u muujin ilaa iyo hadda mowqifkeeda, balse ilo ku dhow labada dhinac oo BBC-da la hadlay ayaa sheegaya in wadahadallo hoose oo u socda dhinacyadaan ay jiraan.
Dhanka dowladda iyo Jubbaland xogtu waxey sheegaysaa in shuruudo la is waydaarsaday maadaama khilaafkoodu markii hore uu meel sare gaaray, hase yeeshee shuruudaha faahfaahin kama aynaan helin.
Xogtan oo ilo dhinacyadaas ku dhow ay BBC u sheegeen ayaan si madax banaan loo xaqiijin karin ilaa hadda.
Khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa gaaray markii hore in madaxda dowladda federaalku ay si cad u sheegeen in aaney aqoonsaneyn doorashadii madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee bishii Nofeember sanadkii 2024-kii dib loogu doortay markii saddexaad Kismaayo.
Kadibna waxaa xigay waaranno la isku jaray iyo hadallo ad-adag oo hawada la isku marinayay tan iyo markaa.
Puntland iyo dowladda federaalka khilaafkoodu wuxuu ku saabsanaa dhinacyo kala duwan marar badan ayay is eedeyeen laba dhinac waxaana ay Puntland dowladda ku eedeysay faragelin iyo siyaasadeynta deeqihii dunida laga heli jiray.
Puntland inta badan kama qayb gelin shirarkii dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada ee looga hadlayay xaaladaha dalka, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhayay khilaafka iyo tallaabooyinka sii hurinaya.
Maxaabiista dagaalkii Laascaanood.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqanka Soomaalida aanu ku jirin in maxaabiis la kala haysto, taa badelkeedana waxaa uu tilmaamay in ay tahay in la maamuuso oo xitaa loo guuriyo si ay u dareemaan in la sharfay.
"Walaalayaal, ka mid maaha dhaqanka suuban ee Soomaalida in maxaabiis la kala haysto, balse waxaa dhaqan ah in ragga dagaalka lagu qabto in la marasheeyo oo qaarkood loo guuriyo, oo dib loogu celiyo reerahoodii iyo deegaannadoodii, taasoo keeni jirtay in ay noqdaan raggaasi danjirayaal nabadeed".
Wuxuu madaxweyne Xasan u soo jeediyay dhinacyada maxaabiista kala haysta in aysan dib u eegin wixii shalay dhacay balse ay fiiriyaan berri si aan waqti uga lumin.
Dagaalkii kol hore ka dhacay Laasacaanood ee u dhaxeeyay Somaliland iyo ciidamo dadka deegaanka ahaa oo markaasi ka jiray deegaannada hadda noqday maamulka Waqooyi bari ayaa lagu kala qabsaday maxaabiis badan, inkastoo qaar siyaabo kala duwan loo sii daayay haddana weli waxaa la kala haystaa maxaabiis badan oo jeelasha ku jira.