You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Macawisleyda mise milateriga: Yaa hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?
Waxaa sii fidaya dagaalka ay maleeshiyada deegaannada ee is abaabulay qeybta ka yihiin ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Dagaalku wuxuu si weyn u soo ifbaxay wixii ka dambeeyay markii ay dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqday in ay shaqadeeda ugu horreysay ka dhigeyso sidii loo soo afjari lahaa kooxda hubeysan.
Inta badan deegaannada dowlad-goboleedyada ayuu si isku mid ah uga socdaa ololahan oo u muuqda mid weji cusub leh.
Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya inta uu la egyahay khasaaraha ilaa hadda ka dhashay dagaalka furimaha badan leh.
Mas’uuliyiinta dowladda iyo xildhibaanno ayaa ku jira dadka tagaya jiidaha hore ee meelaha uu dagaalku ka socdo, iyagoo sheegay in “ay dhiirrigelinayaan ciidanka.”
Hubeynta macawisleyda iyo cabsida dagaal qabiil
Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa Twitter-ka ku qabatay dood ay dad badan ka qeyb galeen oo ku saabsan arrimahan.
Tan iyo markii uu billowday dagaalka ay wadaan Macawisleyda, waxaa soo baxayay walaac laga qabo natiijada imaan karta dagaalka kaddib, dadka qaarna waxa ay dowladda ku eedeynayeen in ay si aan ka fiirisi laheyn u hubeyneyso maleeshiyada qabaa'ilka.
Abuukar Armaan, oo ah ergaygii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Washington, ahna qoraa iyo falanqeeye, oo ka qeyb galay doodda ay qabatay BBC-da ayaa gebi ahaanba kasoo hor jeestay in dowladdu ay garab siiso macawisleyda.
“Dowlad marna ma aha in ay hubeyso ama taageerto qolo aan [lala xisaabtami karin], sida calooshood u shaqeysteyaasha ama macawisleyda, sababtoo ah macawisleyda cid ay hoos yimaadaan ma jirto iyo cid ay ka amar qaataan.
“Waa dad markii hore is abaabulay oo dhibka markii uu ka bata qoryo qaatay, xaq ayeyna u leeyihiin 100% in ay iska dhiciyaan cadow kasta oo ku yimaada, mid gudaha ah iyo mid dibadda ah,” ayuu yiri.
Waxa uu welwel ka muujiyay waxa lagu sameyn karo hubka uu sheegay inuu galayo gacanta shacabka.
“Haba tirtiraan [Al-Shabaab] dhib malahee, dhammaanteen waan ku farxeynaaye, hadhow maxay qoryahaas ku sameyn doonaan? Ma isla qabiilkii ayay u adeegsan doonaan iyadoo aanba la gaarin qabaa’ilka kale? Qabiillada dhexdooda ma isku adeegsan doonaan? Yaa la xisaabtamaya?” ayuu isweydiiyay.
Xuseen Macallin Maxamuud oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna doodda ka qeyb galay ayaa meesha ka saaray in habka ay u dagaalgalayaan kooxaha macawisleyda ah uu yahay qaab isbabar-yaac ah oo hadba wixii ay doonaan ay sameyn karaan. Dagaalka wuxuu ku tilmaamay inuu yahay mid ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya.
Wuxuu beeniyay inay jiraan macawisley leh hoggaan iyo talis ciidan oo ka madax-bannaan ciidamada dowladda oo iskood duullaan u qaadi kara. “Ma jirto meel ay ka dhacday oo ay iyaga keligood duuleen. Way dhici kartaa meel gaadmo ah oo koox yar oo meel socotay ay isku dhacaan. Laakiin, marka laga hadlayo dagaalkan waxaa hoggaaminaya Ciidamada Xoogga, waana dagaal qorshe ku socda,” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Wuxuu dadka deegaanka ee is abaabulay ku amaanay in ay faa’iidooyin gaar ah u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Arrimaha uu sida gaarka ah u xusay waxaa ku jira inay yihiin dad deegaan ah oo dhulka si wanaagsan u yaqaanna, lagana heli karo xog sirdoon maaddaama ay iyaga dhulka la joogaan Al-Shabaab.
Mar wax laga waydiiyay walaaca ku saabsan in hubka galaya gacanta shacabka uu dhibaato horseedi karo, wuxuu ku jawaabay in "dowladda Soomaaliya aysan wax hub ah siin kooxaha macawisleyda ah". Laakiin, wuxuu qiray in ay jirto rasaas la siiyo kooxahaas xilliyada ay dagaalka galayaan.
La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha ayaan wax ka waydiinnay cabsida ku saabsan in qabaa’ilka ay dhexdooda dagaallamaan marka la soo afjaro dagaalka.
Wuxuu yiri: “Ilaa hadda dagaallada meelaha ay ka dhacayeen cid cid ku [xad]gudubtay ma jirin. Weliba annaga macluumaadka aan heleyno waxay tahay qabaa’ilku … dhulkaan ay hadda howshu ka socoto qabaa’il is yaqaanna oo ay dhici karto markii ay xudduud meel geli karto inay xiriir soo sameynayaan oo ay leeyihiin qoladaas kale waxaan u baahannahay inay nala howlgasho, keligeen howlahaan ma wadi karno.”
Xuseen wuxuu intaa ku daray in istaraatiijiyadda dowladda ay tahay in uusan dhicin dagaal uusan hoggaamineyn milateriga Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ay jiraan qabaa’il is abaabulay oo ku sugan inta u dhaxeysa gobollada Mudug iyo Galgaduud, balse aan ilaa hadda tallaabo qaadin, taas oo ay ugu wacan tahay milaterigii hoggaamin lahaa oo aan weli fursad u helin qaabkii uu dagaalkaas u dhici lahaa.
“Dabcan qabiil uu Shabaab soo weeraray oo [iska-caabbin] sameeyay way dhici kartaa oo taas waa difaac, laakiin, dhulalka la xoreynayo iyo Shabaabka la baacsanayo waa khiddad iyo istaraatiijiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidanka kale oo dowlad-goboleedyada ka howlgala ee Daraawiishta la yiraahdo ay ku wada jiraan ayaa dagaalka hoggaaminaya,” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Dagaalka hadda socda waxaa iska kaashanaya dadka deegaanka, milateriga Soomaaliya, ciidanka dowlad-goboleedyada, kuwa ATIMIS iyo Mareykanka, sida uu xaqiijiyay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.
Qorshaha dagaalka kaddib
Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha u yaalla dowladda ee ay ku wajaheyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo dhanka kalena sharraxay tallaabada xigi doonta marka lala wareego deegaan laga saaray Al-Shabaab.
Wuxuu faahfaahiyay qorshaha xiga qabsashada, ama markii deegaan lala wareego waxa ay ka damacsan tahay dowladdu.
“Dabcan waxaa jiray barnaamij la yiraahdo [xasilin] oo siyaabo badan mashruuc ugu ekaaday laakiin nuxurkiisu uu ahaa nuxur fiican, oo hadda dib-u-eegis dhammeystiran lagu sameynaayo oo [dib looga dhigayo mashruuc], oo ah in isla markiiba ay meesha kusoo noqoto nolol caadi ah, dadka deegaankuna ay [lahaansho] dareemaan, oo ay iyagu markiiba go’aanka deegaankaas qeyb ka noqdaan. Nolol caadi ah oo baahiyihii iyo [adeegyadii leh] oo degdeg ahna u helaan.”
Hase yeeshee, Abuukar Armaan, ayaa dood ka qaba qodobka ku saabsan istiraatiijiyadda uu ka hadlay la taliyaha madaxweynaha.
"...xaqiiqadu waxay ku tusineysaa istiraatiijiyad in aysan jirin, sababtana waan kuu sheegayaa. [ma waxaa mihiim ah in aan hadda meelo fog oo miyi ah ka eryanno Shabaab mise inaan ka xoreyno, oo aan la sii heyn karin, mise saddexda milyan meesha ay ku nooshahay oo Xamar la yiraahdo in Shabaab laga eryado?]."
Ma cadda in maleeshiyada qabaa'ilka qeybta ka ah dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab ay marka dambe ku biiri doonaan ciidanka xoogga dalka iyo in la billaabi doono mashruuc kale oo hub ka dhigis ah.
Balse, su’aasha ugu weyn waxa ay weli ka taagan tahay, waqtiga uu qaadan karo dagaalka ujeeddadiisu tahay in looga adkaado Al-Shabaab oo dhowr iyo toban sano dagaal kula jirtay dowladdaa federaalka ah iyo ciidamada ajaanibta ah ee garabka siiya, deegaanno badanna gacanta ku heysa.