You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay suuqa qaadka ee Bardaale
Ugu yaraan toddoba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, 10 kalena waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Badaale ee gobolka Baay, sida goobjoogayaal ku sugan magaalada ay BBC-da u sheegeen. .
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa mashquul badan oo qaadka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada, xilli ay dad badan ku sugnaayeen.
" Hal mar ayaan maqalnay qaraxa, waxaa xigay qiiq xilli uu suuqu ahaa mid mashquul badan. Wixii intaa ka dambeeyay waan kala cararnay," ayuu yiri Maxamed Cabdi oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay."
Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa iyo cidda fulisay. Masuuliyiinta Koonfur Galbeed wali wax war ah kama soo saarin qaraxaasi.
Saddex qof oo ka mid ah 10-ka qof ee dhaawaca ah ayaa lagu warramay in xaaladdooda ay aad u liidato, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.