You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
India oo afar milyan ku dhawaad qof jinsiyadda ka xayuubinaysa
Dalka India ayaa soo saaray liis ay ka maqanyihiin oo si buuxda uga xayuubinaya jinsiyaddooda qiyaastii afar milyan oo qof oo ku nool gobolka woqooyi bari ee Assam.
Diiwaanka Muwaadiniinta Qaranka waa liiska lagu qoro dadka haysta caddayn ay ku muujinayaan in ay gobolkaa deganayaan intii ka horaysay 24 Maarij 1971 oo ah maalin ka hor markii dalka Bangladesh madaxbannaanidiisa ku dhawaaqay.
India waxay sheegtay in habkani yahan mid lagu doonayo in xididada loogu siibo dad badan oo si sharci darro ah uga tagay Bagladesh. Laakiin waxay talaabadani dhalisay cabsi ah in si toos ah loo beegsanayo dadka laga tirada badan yahay ee gobolkaa ku nool.
Saraakiisha oo ka foojigan in qalalaase [go'aankan lagaga soo horjeedaa] halkaa ka dhici karo ayaa sheegay in aan cidda si dhakhso ah loo mastaafurin doonin.
Waxaanay sheegeen in uu hanaan ballaadhan oo ay racfaan dadkaasi kaga qaadan karaan go'aanka xukuumadda loo furay, hase yeeshee malaayiin qoys ayaa jinsiyad la'aan ahaan doona ilaa inta ay helayaan waraaqo sharci ah oo muujinaya muwaadinnimadooda.
Boqolaal kun oo qof ayaa u qaxay India oo ay Bangladesh jaar yihiin markii dalkaasi ku dhawaaqay in uu ka madax bannanaanayo Pakistan 25 Maarij 1971, taas oo dhalisay dagaal qadhaadh. Qaxootigii halkaa ka qaxay ayaa degay gobolka Assam, gobolkaas oo haatan in ka badan 30 milyan oo qof ku noolyihiin.
Xukuumadda India ayaa waxay u argtaa dadka gobolkaa degay intaan dagaalkaasi dhicin ka hor.