Macallimiinta jamacadda ummadda oo shaqo joojin ku dhaqaaqay

Macalimiinta Jaamacadda Umadda ayaa shalay ku dhaqaaqay shaqo joojin ay u aaneeyeen mushaaraadkoodi oo aan la siin muddo bilo ah.

Arrintaasi ayaa waxa ay sababtay in macallimiintu aysan fasallada galin ayna baaqdaan casharradii ay ardaygu qaadan lahaayeen.

Ciise Maxamuud Xalane, guddoomiyaha guddiga macallimiinta jaamacadda umadda , Maxamed Cabdiraxmaan ayuu ugu warramay sababta ay shaqo joojinta u sameeyeen.

Dhanka kale, maamulka jaamacadda ayaa beeniyay in wax shaqo joojin ah ay ka dhacday jaamacadda.

Professor Maxamed Axmed Jimcaale, waa guddoomiyaha jaamacadda Ummadda, waxa uuna sheegay in aysan jirin macallimiin aan mushaar helin.