You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xidhiidhka aduunka ee kubadda kolayga oo ogolaaday in habluhu khimaar ku ciyaari karaan
Masuuliyiinta xidhiidhka kubadda kolayga aduunka (FIBA) ayaa wax ka bedelay xeerarka ciyaarta, waxa aanay ogolaadeen in hablaha ciyaara kubadda kolaygu ay xidhan karaan khimaar ay timahooda ku asturaan.
Markii hore xeerarka u yaalla ciyaartu way mamnuuci jireen in habluhu asturaan madaxooga oo ay qariyaan timaha, sababtana waxa xidhiidhku ku sheegay in ay ahayd xagga bedqabka ciyaartoyga.
Hablaha kooxda kubadda kolayga ee Qatar ayaa ka baxay tartankii kubadda kolayga ee ciyaaraha Aasiya sanadkii 2014 ka dib markii loo diiday in ay hablahaasi ku ciyaaraan khimaarka.
Laakiin xeerarkan cusub ee ay FIBA meel marisay waxa ay haatan u ogolaan doonaan in hablaha doonaya in ay khimaar ku ciyaaraan iyagoo xor ah xidhaan isla markaana ciyaaraha ka qayb galaan.
Xeerarkan cusubi waxay si ku meel gaadh ah oo laba sanadood ah u dhaqan geli doonaan bisha Oktoobar ee soo socota.